hambalyo...............hambalyo
waxaan salaan sharaf leh halkaan ugu diraa dadyawga soomaaliyeed ee ku nool dunida daafaheeda kala duwan kuwaa oo aan ku salaamayno salaanta midda ugu fiican oo ah السلام عليكم salaan kadib waxaan uugu bishaarayneynaa in ay hadda kadib halkan kala socon doonaan xaalka soomaaliya iyo kan aduunka anaga oo aan ku dadaaleyno in aan noqono kuwa dhaxdhaxaad ah
waxii talo iyo bogaadin ah fadlan noogu soodira cinwaaankaan anaga oo aan isku dayeyno inaan taladiina qaadano
Email:- husniyare@hotmail.com
taariikhda soomaaliya
July 1, 1960 - Xorriyadii iyo midowgii dadka Soomaaliyeed qaybtii laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19aad ay gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.
July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan Daar (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].
Jan 1962 - Nelson Rolihlahla MANDELA ayaa u mahad celiyeey afar wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey afar dal ee Afrika** xilligaas ka mid ah dalalka xorta ah, kuwaas oo kulankaas joogey, kuwaas oo ahaa Somalia, Ethiopia, Sudan iyo Tanganyika. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqaale u saareen dawladii markaas midab takoorka ku haysatey Koonfur Africa iyo sida ay dalalkaasi magan gelyo u siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika.
June 10, 1967: Waxaa Soomaaliya madaxweyne ka noqday C/Rashiid Cali Sharmarke. October 15, 1969 ayaa la diley C/rashiid isagoo booqasho ku maraya Laascaanood. [C/rashiid Cali Sharmarke waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1919 ilaa October 15, 1969].
![]() Siyaad Barre |
![]() Xasuuqii Boorama 30 Jan 1984 |
![]() Caydiid |
![]() Cali Mahdi |
![]() Haamaha Sunta: Waa kuwaa... |
![]() Dr. C/Qaasim |
![]() Prof. Galayr |
June 5, 2001 - Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada.
May 3, 2002: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal aya ku geeriyoodey magaalada Pretoria ee dalka South Africa. Cigaal waxa uu noqday ra'iisul wasaaraha Soomaaliya intii u dhexeysey 26kii June 1960 ilaa 12kii July 1960. [Cigaal waxa uu noolaa intii u dhexeysey August 15, 1928 ilaa May 3, 2002].
Oct 15, 2002 - Shirkii 14aad ee nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.Sept 15, 2003 - Waxaa lagu heshiisey axdiga kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo in dawlada la dhisayo ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sanadood ah, taas oo ku xigtay markii uu dhammaaday waqtigii saddexda sano ee dawladii hore ee kumeel gaarka ahayd. Dawladan cusub waxaa loo bixiyey DFKMG (Dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah).Aug 2004 - Waftiyadii ka qayb galayey shirka Soomaalida uga socdey Kenya ayaa doortay 275-xildhibaan, kuwaas oo lagu soo xulay hab qabiil oo loo bixiyey 4.5.![]() Col. C/Laahi |
![]() Prof. Geelle |
- Midowga Afrika ayaa kulankoodii lagu qabtay Nigeria, waxay ku ansixiyeen in Soomaaliya loo diro ciidamada shan dal oo ka tirsan Afrikada Bari (IGAD) si ay dawlada cusub ee Soomaaliya uga kaalmeeyaan sidii ay u tegi lahayd Soomaaliya. Shantaas dal oo ah: Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, iyo Sudan.Feb 9, 2005 - Cusmaan Cali Caato (oo ay hay'adda Reuters ku tilmaantay: Qabqalaha Dagaalka ahna wasiir katirsan dawlada) ayaa Soomaalida waxa uu ugu baaqay in ay weerar kala hor yimaadaan ciidamada nabad ilaalinta ee taageeraya dawlada Soomaaliya, ciidamadaas oo ka imanaya dalka Itoobiya ee xurgufta taariikhiga ay ka dhaxayso Soomaaliya.Feb 24, 2005 - Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa doorashadoodii kadib markii ugu horeysey ku laabtay Somaaliya, waxayna ka degeen magaalada Jawhar. Waxayna safarkaas kusoo mareen Beledweyne, Galkacyo, Boosaaso iyo Baydhabo.
![]() Xubanaha Baarlamaanka DFKMG oo kuraas isla dhacaya... |
![]() Sh. Xasan |
![]() Prof. Dalxa |
Jun 13, 2005 - Dawlada FKMG oo bilowday geedi ay ugu guureyso Soomaaliya, kana guureyso Nairobi oo ay ku sugnay 9 bilood: MDFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa khudbad sagootin ah waxa uu u jeediyey reer kenya, halkaas oo ay dawlada Soomaaliya ku sugnayd ilaa markii la soo magcaabay (Oct 2004). Waxaa halkaas kusii sagootiyey madaxweynaha kenya, Mwai Kibaki. Sagootintaas oo lagu qabtay guriga looga arrimiyo Kenya ee loo yaqaan "State house" waxaa goob joog ka ahaa ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali maxamed Geedi, iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFKMG. Madaxweynaha waxa uu u safrayaa dalka Qadar, ra'uusul wasaaruhuna jawhar, baarlamaanka oo la kaladiray (June 12, 2005) iyo golaha wasiiradu waxay u safrayaan gobolada kala duwan ee dalka.June 25, 2005: Dowlada Yeman ayaa ku guulaysan waysay in ay heshiis gaaraan Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, kadib wadahadalo ay dowlada Yemen uga furtay magaalada sanca ee dalka yaman. Kulamada la isku soo hor fariisinayo madaxda ugu saraysa DFKMG waxay yemen ka dhaceen (21/6/2005) iyo (22/6/2005), inkastoo (23/6/2005) Madaxweyne C/laahi isaga keligiis uu madaxtooyada kula kulmay madaxqweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax halka Guddoomiye Shariif Xasan uu ku qaabilay qolkii uu ka degganaa Hoteel Taaj Saba.June 30, 2005: Ciidamo ka socda dunida Islaamka oo nabad Ilaalin ah oo loo dirayo Soomaaliya. Sidaas waxaa lagu go'aamiyey Kalfadhigi 32aad ee wasiirada arimaha dibadda ee dalalka Islaamka oo ay ka soo qayb galeen 54 dawladood oo kamid ah 56-da dal ee xubnaha ka ah Ururuka Islaamka, kalfadhigaas oo lagu qabtay caasimada dalka Yemen ee Sanca, (June 28-30, 2005), ciidamadaas oo ku shaqayn doona magaac Qaramada Midoobey (UN). Waxaa kale oo isla kulankaas lagu go'aamiyey in la sameeyo guddi ka socda ururuka Islaamka oo soo arka sida dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya.Januray 5, 2006: Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan, ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan ee dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in ay soo afjaraan xurguftii u dhexeysey labada garab ee Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo Muqdisho. Heshiiskaas in uu dhaco waxaa ku guuleystey madaxweynaha Dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, oo labada garab ku casumay dalkiisa.January 30, 2006: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada FKMG ayaa shaaca ka qaaday in kulanka kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya markii ugu horeysey lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxana uu guddoomiyuhu markaas joogey jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.February 11, 2006: Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, Guddoomiyaha Baarlamanka, Shariif Xasan, iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi. Waxana ay kawada hadlen kulanka barlamaanka ee qorshaysnaa in uu ka dhaco Baydhabo.
February 18, 2006: Siddeed qabqable-dagaal oo badankoodu ka mid ahaa wasiirada DFKMG ayaa waxa ay asaaseen Isbahaysi ay u bixiyeen la dagaalanka "argaggixisada".
February 26, 2006: Baarlamaanka FKMG ayaa markii ugu horeysey ku kulmay Baydhabo, qabqablayaasha ka soo horjeedey dowlada ay ka tirsanaayeen ee ku dhawaaqay Isbahaysiga kama ay soo qayb gelin kulankaas. Baarlamaanka DFKMG waxaa Kenya lagu soo dhisay sannadkii 2004.
February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay ladagaalanka "Argaggixisada."
March 21, 2006: Waxaa Muqdisho ka dhacay dagaal aad u culus, kaas oo socdey ilaa March 23keedii, dagaalkaas oo u dhexeyey Midowga Maxaakiimta Islaamka iyo Isbahaysigii la baxay Ladagaalanka "Argaggixisada", dad farabadan ayaa dagaalkaas ku dhintay, in badana guryahoodii ayey ka qaxeen.
April 21, 2006: Xubin ka tirsan Isbahaysiga labaxay la dagaalanka "Argaggixisad" ayaa sheegay in ay dalka ka dhisi doonaan Dowlad ay iyagu maamulaan.
May 4, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf ayaa Maraykanka ku eedeeyey in uu gacan siinayo Qabqalkayaasha dagaalka.
May 4, 2006: Dagaal culus ayaa markale ka bilowday Muqdisho, in kastoo ay jirtey xabbad joojin.
June 2, 2006: Kumanaan tageersan Isbahaysiga Maxaakiimta Islaamka ayaa mudaharaad ku dhigay Muqdisho ay kaga soo horjeedaan Maraykanka.
June 4, 2006: Midowga Maxaakiimta ayaa qabsaday magaalada Balcad, waxana ay ka qabsadeen Isbahaysigii la dagaalanka "Argaggixisada."
June4, 2006: Ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, ayaa ayaa xilalkii ka qaaday afar wasiir oo ka mid ahaa golahiisa wasiirada, oo ah kuwii asaasay isbahaysigii la baxay la baxay dagaalanka "Argaggixisada, wasiirada xilka laga qaaday waxay jagooyinkoodu ahaayeen: Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Diinta & Awqaafta iyo Wasiirka Dhaqan Celinta Maliishiyaadka & Hubka ka dhigista - waxaana wasiiradaas laga saaray Golaha Wasiiradda Dowlada FKMG ah Ee Soomaaliya.
![]() Sheikh Sharif Sh. Axmed |
June 5, 2006: Maxaakiimta Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Guddoomiyaha Isbahaysiga Maxaakiimta, Sheikh Shariif Sheikh Axmed waxa uu maalintaas yiri "Waxa aan Muqdisho kusoo celineynaa nabadda iyo deganaanshaha. Waxaan diyaar u nahay in aan la hadalo qof kasta iyo koox kasta annagoo u danayneyn dadweynaha."
June 14, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey Magaalada Jowhar oo xarun u ahayd Qabqalayaasha dagaalka. Sheikh Shariif ayaa isla maalintaas la hadlay reer Jowhar, waxana uu u yiri "Waxaan idin wadnaa Kitaabka..."
June 14, 2006: Baarlamaanka DFKMG ayaa Baydhabo ku ansixiyey in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye. Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan Sh. Aaden, ayaa sheegan in cod bixin la qaaday waxaana in ciidamo shisheeye la keeno ansixiyey 125 xubnood, waxaana diidey 73 xubnood.
June 15, 2006: Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa kusoo wareegtey Midowga Maxaakiimta Islaamka.
June 15, 2006: Waxaa soo shaac baxay in Maraykanku uu Qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya muddo 3 sano ah siin jirey lacag dhan $100,000 ilaa $150,000 bil kasta, xilli laga awood roonaaday qabablayaashii, qaarna ay ka baxeen isbahaysiga.
June 15, 2006: Magaalada New York ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxaana kulankaas lagu asaasay urur ka kooban dalalka Maraykanka, Britain, Midowga Yurub, Italy, Norway, Sweden, iyo Tanzania oo loo bixiyey "Somalia Contact Group". Waxaana goob-joog ka ahaa UN iyo AU. Kulankaas laguma marti qaadin ururka Jaamacadda Carabta. Xoghaya Guud ee Ururka Carabta (Arab League), Camar Muussa ayaa sheegay in ay ka shiri doonaan xaaladda cusub ee Soomaaliya, waxana uu ka digey ciidamo shisheeye oo la keeno Soomaaliya.
June 15, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf, iyo Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga, Sheikh Shariif Axmed, ayaa madaxweynaha dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, ka aqbalay inay wada hadlaan...
![]() C/Lahi Sh. Ismaciil & M. Cali Ibraahim |
![]() Geeddi oo mucaanaqaynaya Zenawi markii uu ka soo degey Muqdisho June 5, 2007... Geeddi oo fiirinaya gaariguu lagu burburiyey qayb ka mid ah gurigiisa xilli uu ku jirey halkas.. June 3, 2007 Akhri: Waa Kuma Geeddi |
June 22, 2006: Heshiis ayaa magaalada Khartuum ku dhex maray Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo Dowladda Federaalka Kumeel gaarka. shirka heshiiska lagu gaarey waxaa soo qaban qaabisay dowladda Suudaan, waxaana shir guddoomiye ka ahayd Jaamacada Carabta. Kulankaas waxaa ka qayb galay wafti kasocdey DFKMG oo uu hoggaaminayey madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ay weheliyeen ra'iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiha Baarlamaanak DFKMG, Shariif Xasan Sh. Aaden. Dhanka Midowga Maxaakiimta Islaamka waftiga ka socdey waxa ay ka koobnaayeen 10 xubnood oo uu hoggaaminayey Dr. Maxamed Cali Ibraahim. Heshiiska waxaa labada dhinac u saxiixay Wasiirka Arrimaah Dibada DFKMG, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil iyo Dr. Maxamed Cali Ibraahim. Qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa: (1) In labada dhinac ay joojiyaan hujuumka ay isku wadaan ee xagga militari iyo xagga saxaafadda. (2) Labada dhinac uu midba midka kale aqoonsado. (3) in furo maxkamad la soo taagayo dembiilayaashii dagaalka (War Crime Trial). (4) Dhawridda Midnimada Soomaaliya, iyo dhawrida wadajirka Dhulka Soomaaliya. (5) In dadka Soomaaliyeed lagu caawiyo dib u dhiska hay'adihii qaranka, dib u dejin iyo horumarin.
June 24, 2006: Kulan aad u balaaran oo ay ka qaybgaleen waxgarad, Culuma’u-diin, Odoyaal iyo dad magac ku leh dalka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu magacaabay labo gole oo ah: Golaha fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed (kaas oo bedeli doona Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah), iyo Golaha Shuurada Soomaaliyeed(ama golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed). Sababaha golahaan loo magacaabay ayaa ah sidii howlaha Maxaakiimta loo gaarsiin lahaa dhammaan dalka oo dhan. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loo magacabay Guddoomiyaha Golaha fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, waxaana Guddoomiye ku xigeenka koowaad loo magacaabay Sheekh Yuusuf Indha-Cadde, Guddoomiye ku xigeenka labaadna Sheekh C/qaadir Cali Cumar. Guddoomiyaha Golaha Shuurada waxaa loo magacaabay Sheekh Xasan Daahir Aweys, Guddoomiye ku-xigeen Sheekh Cumar Iimaan Abuubakar, Guddoomiye Ku-xigeenka labaadna Sheikh C/llaahi Afrax Aasbaro, xoghayaha Shuuradana waxaa loo magacaabay Sheikh Maxamuud Ibraahim Suulay. Golaha Shuurada ayaa ka kooban 88-xubnood kuwaasoo ka kala socda qaybaha kala duwa ee bulshada.
September 18, 2006: Waxaa magaalada Baydhabo ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo lagu damacsanaa in lagu dilo madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaa qaraxaas ku dhintay dhawr qof oo uu ku jirey nin ay walaalo ahaayeen Madaxweynaha DFKMG, waxaana gubtey dhawr gaari, waxana qaraxaasi uu ka dhacay meel wax yar u jirta halka uu ka socdey kulanka golaha Baarlamaanka DFKMG oo u fadhiyey cod bixin lagu ansixinayey gole wasiiro ah oo uu soo dhisay ra'iisul wasaaraha DFKMG, kulankaas oo ahaa meeshii uu ka soo baxay Cabdullaahi Yuusuf in yar ka hor intii aan qaraxu dhicin.
September 24, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey gacan ku haynta magaalada Kismaayo kaddib markii uu magaalada ka baxay wasiirkii gaashaandhigga ee DFKMG, ahaana hoggaamiyihii Isbahaysiga Dooxada Jubba, Col. Barre Hiiraale. Waxana uu magaalada ka baxay markii ay ciidamada Maxkamaduhu soo gaareen duleedka Kismaayo, Isbahaysigii dooxada Jubbana uu u kala jabay laba garab, sidaasna ay maxkamaduhu kusoo galeen Kismaayo ayadoo aan dagaal ka dhicin.
November 26, 2006: Waa markii ugu horeysey ee Ciidamo Itoobiyaan ah oo watey ilaa 50 Tikniko ah ay galeen magaalada Gaalkacyo ee dalka Soomaaliya iyagoo ka faa'iidaysaney kala qaysanaanta Soomaalida.
December 28, 2006: Maxkamadaha Islaamiga ayaa ka Baxay Muqdisho, waxaana aarrintaas shaaca ka qaaday Sh. Shariif Sh. Axmed oo telefoon kula hadlay Telefishanka Al Jazeera, oo yiri: "Waxan magaalada Muqdisho kasaarnay dhammaan hoggaankanagii iyo xubnihii ka hawl gelayey." Waxana uu intaas ku daray in "maxkamadaha Islaamigu ay midaysan yihiin", waxana uu ka bixidda Muqdishu ku tilmaamay bedelaad xeeladeed. Waxaa markaas magaalaad Muqdisho galay ciidamada Itoobiya.
January 1, 2007: Maxkamada Islaamiga ayaa ka baxay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
January 17, 2007: Baarlamaanka Baydhabo ee DFKMG ayaa kulan ay soo xaadireen 192 xildhibaan waxaa 183 ka mid ahi ay kalsoonida kala laabteen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, halka 9 ka mid ah xildhibaanadu ay arrintaas diideen, waxaana kulankaas shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore. Laakiin Shariif Xasan Sh. Aadan arrintaas ganafka ayuu ku dhuftay.
Sh. Aden Madobe |
January 31, 2007: Guddoomiyiha Baarlamaanka DFKMG waxaa loo doortay Shiikh Aadan Madoobe.. [10-Musharax ayaa isku soo taagtay Xilka Gudoominimada Baarlamaanka waxaana markiiba iska casilay 3-Musharax, waxaana tartamay 7-Musharax iyadoo Aakhiritaankii ay isugu soo horeen 2-Musharax oo kala ah Shiikh Aadan Madoobe iyo Ibraahim Max’ed Kiish Bur, waxaana 153-cod ku guuleystay Shiikh Aadan Madoobe halka Ibraahim Kiishbuur uu ka keenay 50-cod. Hase yeeshee Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa sheegay in uu weli yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG. “Xilka waxaa dhiibi karaa markii si cadaalad ah la’iga qaado oo la raaco Dastuurka” ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu la heyste u yahay Ciidmada itoobiya. Shariif Xasan wuxuu sheegey inuu sii wadi doono howlihii dib u hashiisiinta ee uu ka dhex waday Bulshada Soomaaliyeed wxa uuna ku tilmaamay doorashada Gudoomiyanimda ee Shiikh Aadan Madoobe mid ay ka soo shaqaysay Dowladda itoobiya waayo waxay weligeed ku taameesay sidii uu Shiikh Aadan Madoobe uu u noqon lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka maadaama maanta ay fursad u heshay..
June 5, 2007: Ra'iisul wasaaraha Xukuumada Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa magaalada Muqdisho ku tegey kulan aan hore loo sii shaacin oo qorsoodi ahaa oo saxaafada adduunku ugu yeertay "safar kusoo bood ah"..
June 8, 2007: Aadan Cabdulle Cusmaan "Aadan Cadde", madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya, ayaa ku geeriyoodey magaalada Nairobi. [Aadan Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].
![]() Col. Nuur Cadde |
October 29, 2007: Cali Maxamed Geeddi ayaa iska casiley ra'iisul wasaaranimadii DFKMG, kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay Geeddi iyo C/laahi Yuusuf.. Markii dambe Geeddi waxa uu sheegay in sabata khilaafk aay sal u ahayd Batroolka Soomaaliya. Geeddi waxa uu ra'iisul wasaare u ahaa DFKMG intii u dhexeysey November 3, 2004 ilaa October 29, 2007.
November 4 - 10, 2007: Waxa uu ahaa toddobaad ay ciidamada Itoobiya magaalada Muqdisho ka geysteen xasuuqii ugu darnaa, iyadoo wararka qaar sheegeen in hal maalin la diley dad shacab ah oo gaaraya ilaa 50 qof.
November 22, 2007: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa loo magacaabay ra'iisul wasaaraha DFKMG, waxaana lagu dhaariyey Baydhabo Nov 24, 2007.
December 2, 2007: Col. Nuur Cadde ayaa soo magacaabay golihiisa xukuumadda oo ka kooban 73 xubnood oo isugu jira 31 wasiir, 11 wasiiru dawlo iyo 31 wasiir xigeen. Maalintii xigtey waxaa soo baxay in wasiiro uu magacaabay ay is-casileen iyagoo tilmaamay in markii la soo magacaabay aan lala tashan iyo in aan magacaabista wasiirada la waafajin nidaamka 4.5 ee ay ku salaysan tahay DFKMG ee awood qaybisga Qabiilooyinka, waxaa kale oo soo shaac baxay in beelo Soomaaliyeed aysan ku qanacsanayn habka loo soo dhisay golaha wasiirada. Col. Nuur Cadde safarkiisii ugu horeeyey waxa uu Dec 5, 2007 ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa.
December 2, 2007: Hay'adaha u dooda xuquuqda Insaanka ayaa sheegay in sannadka 2007 tirada dadka Soomaalida ah ee lagu diley Soomaaliya in ay gaareyso ilaa lix kun (6000) oo qof. [Tirada la diiwaan geliyey waa 5,930 oo dhimasho ah, 7,980 oo dhaawac ah iyo 717,784 oo barakacay.]
December 29, 2008: Waxaa xilka madaxweynaha DFKMG iska casiley Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

January 30, 2009: Kulan ay xubnaha Baarlamaanak DFKMG ku yeesheen Jabuuti, ayaa waxaa madaxweynaha DFKMG loo doortay Shariif Sheikh Axmed. Musharaxii xigey ee codadka badan ka helay baarlamaanka waxa uu ahaa Maslax Maxamed Siyaad Barre oo uu dhalay madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyaddii Dimoqraadiga Soomaaliya.
Feruary 13, 2009: Madaxweynaha DFKMG oo ku sugnaa Jabuuti ayaa ra'iisul wasaaraha DFKMG waxa uu doortay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo uu dhalay madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya, C/rashiid Cali Sharmaarke oo la diley Oct 15, 1969.
TAARIIKH KOOBAN: SOOMAALIYA & ITOOBIYA::::
- Soomaalidu ma aqoonsan heshiiskii ay galeen Ingiriiska iyo Itoobiya ee loo yaqaan "Anglo-Ethiopian Treaty ee 1954", heshiikaas ay itoobiya ku sheegatay dhulka loo yaqaan Hawd oo dhigayey xadka cusub ee la sameeyey. Waxaana dhacdooyin ka bilowdeen Hawd lix bilood gudohood markii Soomaalida qaarkeed la siiyey xornimada (1960).
- February 1964: Ayaa dagaal ka bilowday xadka la sameeyey ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Itoobiya waxa ay diyaarado ku duqeeyeen meelo ka mid ah gudaha Soomaaliya, waxaa dagaalkaasi qaboobey bishii April 1964 kaddib markii ay Suudaan oo garabsaney ururkii OAU soo kala dhex gashay. Waxaana la isla gaarey xabbad-joojin.
- 1964: Itoobiya iyo Kenya waxa ay wada geleen heshiis u gaar ah, kaas oo ku saabsanaa sidii si wadjir ah ay isaga kaashan lahaayeen iska difaaca Soomaaliya, maadama ay labadaas dalba haystaan dhul Soomaaliyeed (NFD & Soomaali Galbeed), heshiiskaas waxa ay cusboonaysiiyeen sannadkii 1980, waxana ay mar saddexaad cusboonaysiiyeen August 28, 1987.
- July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee xabashu gumaysato ee Soomaali Galbeed. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya.
- November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen Ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaawino weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "dhulka u cadayn sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay dadka iyo duunyada laga barakiciyo, taas oo dhanka ka ahayd (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay Soomaali Galbeed (Ogaden) markey taariikhu ahayd March 15, 1978, dhulkaas oo ay ilaa hadda (2006) gumeysato.
- June 30, 1982 ayey ahayd markii ay ciidamada Itoobiya oo garabsanaya Jabhadii Soomaaliyeed ay soo weerareen magaalooyin ku yaal xadka, waxana ay qabsadeen magaalada Balanballe. August 1982 ayey markale weerar soo qaadeen Itoobiyaanku waxana ay qabsadeen magaalada Galdogob oo 50 km oo keliya u jirta Magaalada Gaalkacyo. Weerarkii xabashidu ku soo wadey Soomaaliya waxa uu istagey kaddib markii uu Maraykanku gargaar degdeg ah oo Militari uu siiyey Soomaaliya. Laakiin labadii magaalo ee Galdogob iyo Balanballe waxa ay ku sii jireen gacanta Itoobiya, magaalooyinkaas oo maamulidooda ay isku qabsadeen Itoobiya iyo Jabhaddii SSDF, taas oo sababtay in Itoobiya ay burburiso jabhaddii SSDF kaddib markii ay dantii ay lahayd ku gaartey oo ahayd dhulkii ay hore u haysatey in ay ku sii darsato dhul kale.
- April 1988: Itoobiya oo markaas colaad kaga furnayd Eritrea ayaa ogolaatay heshiis ay la gashay Soomaalida. Heshiis kasta oo lala galay Soomaalidu marna kama tanaasulin sidii ay usoo ceshan lahayd dhulka ka maqan ee gumaystayaashii hore ay ku wareejineen dalalka deriska la ah Soomaaliya, Arrimhaas soo taxnaa waa kuwa markasta cakiraya in nabadda Soomaaliya ay hore u socoto.
TAARIIKH HORE EE SOOMAALIYA::::
- 1,500 BC Fircoonkii la oranjirey Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."
- 7-900 AD Carab iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.
- 1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].
- 1889 Kadib markii ay heshiis galeen Suldaano iyo Ingiriiska ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.
- 1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
- 1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo Ethiopia.
- 1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.
- 1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.
- 1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.
- 1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.
- 1960 bishii June 26keedii ayaa dhulkii ingriisku u bixiyey Somaliland ay kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu u bixiyey ItalianSomaliland ay xorowdey, markaas ayaa labadaas qaybood midoobeen.
















